Nicholas Kay oo cambaareeyey weerarkii Muqdisho

Image

February 21, 2015 (GO)- Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyey weerarkii dadka badani ku dhinteen ee shalay oo Jimce ahayd ka dhacay hoteelka Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Kay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid aan loo meel dayin islamarkaana ujeedada laga leeyahay ahayd in dadka Soomaaliyeed looga qaado rajada ay ka leeyihiin helitaanka mustaqbal fiican.

"waxan cambaareynayaa weerarkii waxashnimada ahaa ee lala beegsaday dad rayid ah oon waxba galabsan iyo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, kuwaasoo isugu yimid si ay salaadda Jimacaha u tukadaan" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Danjire Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed awood ugu yeeshaan inay gaaraan himilooyinkooda mustaqalka dhow.

Ugu dambeyntii wuxuu tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey kuwa dhinteyna wuxuu u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Weerakan waxaa sidoo kale cambaareeyey wakiilka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Somaliya, Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM