Nicholas Kay oo rajo ka muujiyey hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016

Image

December 21, 2014 (GO)- Ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Somaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in sanadka soo socda la dhameystiri doono in badan oo kamid ah qorsheyaalka Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku horay isula dejiyeen si loo gaaro doorasho dhacda sanadka 2016.

Kay oo waraysi gaar ah siiyey waaxda warbaahinta ee Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in 12kii bilood ee lasoo dhaafay horumar la taaban karo laga sameeyey dhanka siyaasadda iyo ammaanka, sanadka soo socdana uu filayo in la dhameystiri doono hirgelinta nidaamka federaalka, dhismaha maamullada dalka iyo weliba afti u qaadista dastuurka.

"aad baan ugu faraxsannahay in aan xilligan aragno horumarka laga sameeyey dhanka hirgelinta nidaamka federaalka iyo dhismaha maamullada xubnaha ka noqonaya Dowlada arintaasoo aan ku rajo weynnahay inay horseedo sanadka soo soca in la gudo ka galo ka doodista iyo afti u qaadista dastuurka kadibna doorasho dhacdo sanadka 2016ka" Kay ayaa sidaaas yiri.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyey sida Qaramada  Midoobay u wajaheyso kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee Soomaalida ka dhex jira wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay arintaas aad ugu toog hayso. Si gaar ah wuxuu usoo hadal qaaday Somaliland oo iyadu horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteea kale welise aan aqoonsi helin.

Doorka Qaramada Midoobay arintaas ka qaadaneyso wuxuu sheegay inay tahay sidii ay u fududeyn lahayd islamarkaana u diyaarin lahayd jewi dhammaan dhinacyadu isku soo hor fariisan karaan iyagoo khilaafaadka dhexdooda ah ku dhameynaya wada hadal.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in shaqada la rabo in la qabto labada sano ee soo socdaa tahay mid aad uga baaxad weyn waqtiga harsan, sidaas darteed loo baahan yahay dadaal dheeri ah iyo in Dowlada Soomaalia, Qaramada Midoobay iyo bulshada Soomaaliyeedba si wadajir ah u shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM