Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya ayaa wajahaya nuglaansho amni oo halis ah, taasoo keeni karta in si sharci-darro ah loo helo loona soo dejiyo kumannaan fiisooyin elektaroonig ah oo xambaarsan xog shakhsiyeed oo xasaasi ah, sida faahfaahinta baasaboorrada, magacyada buuxa iyo taariikhaha dhalashada, sida ay xaqiijisay Al Jazeera.

Al Jazeera ayaa toddobaadkan xaqiijisay jiritaanka cilladda amni, kaddib digniin ka timid ilo aqoon u leh horumarinta mareegaha. Ishaasi waxay Al Jazeera siisay macluumaad muujinaya xogta khatarta ku jirta iyo caddeymo muujinaya inay toddobaadkii hore arrinta la wadaageen hay’adaha dowladda Soomaaliya si ay uga digaan nuglaanshahaas.

Isha ayaa sheegtay in inkastoo ay la xiriireen mas’uuliyiinta, aysan helin wax jawaab ah, isla markaana cilladda aan weli la sixin.

“Ku xadgudubyada ku lug leh xog shakhsiyeed oo xasaasi ah waa kuwo si gaar ah khatar u ah, maadaama ay dadka gelinayaan halisyo ay ka mid yihiin xatooyo aqoonsi, khiyaano dhaqaale, iyo uruurin sirdoon oo ay sameeyaan kooxo waxyeello doon ah,” ayay tiri Bridget Andere, falanqeeye sare oo siyaasadeed ka ah ururka xuquuqda dijitaalka ah ee Access Now, oo la hadashay Al Jazeera.

Nuglaanshahan cusub ayaa imanaya bil kaddib markii mas’uuliyiin ay sheegeen in baaritaan la bilaabay, kaddib markii jabsadeyaal ay weerar ku qaadeen nidaamka e-visa-da dalka.

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay, iyadoo awooday inay muddo gaaban ku soo dejiso fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jireen xog xasaasi ah oo dad badan ah. Xogtaas ayaa ka mid ahayd dad ka kala yimid Soomaaliya, Boortaqiiska, Iswiidhan, Mareykanka iyo Switzerland.

Al Jazeera ayaa su’aalo u dirtay dowladda Soomaaliya, isla markaana uga digtay cilladda nidaamka, balse wax jawaab ah kama helin.

“Ku degdegidda dowladda ee hirgelinta nidaamka e-visa iyada oo aan si buuxda loogu diyaarsanayn khataraha iman kara, ka dibna dib-u-hirgelinta nidaamka kaddib jebin xog oo halis ah, waa tusaale cad oo muujinaya sida dayacaadda xuquuqda iyo walaaca dadka marka la soo bandhigayo kaabayaal dijitaal ah ay u wiiqi karto kalsoonida dadweynaha una abuuri karto nuglaanshooyin laga hortagi karay,” ayay tiri Andere.

Waxay sidoo kale ku tilmaantay arrin walaac leh in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan soo saarin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan jebintii xogeed ee halista ahayd ee dhacday bishii November.

“Xaaladahan oo kale, sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya wuxuu farayaa hay’adaha xakameeya xogta inay ogeysiiyaan hay’adda ilaalinta xogta, iyo marka ay jirto khatar sare sida dhacdadan, in sidoo kale la wargeliyo dadka ay saameysay,” ayay intaas ku dartay.

Al Jazeera ma shaacin karto faahfaahin farsamo oo ku saabsan jebinta, maadaama nuglaanshaha aan weli la sixin, taasoo keeni karta in macluumaadka la bixiyo uu fududeeyo weerarro kale oo jabsasho ah. Warbaahintu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee ay heshay intii uu socday baaritaanku la burburiyay si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay khusayso.

Jebin Hore

Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday ayaa soo saaray digniin ku saabsan jebin xogeed oo lagu faafiyay macluumaadka in ka badan 35,000 oo qof oo codsaday e-visa-da Soomaaliya.

“Xogta la faafiyay waxaa ka mid ahaa magacyada codsadayaasha, sawirrada, taariikhaha iyo goobaha dhalashada, cinwaannada email-ka, xaaladda guurka iyo cinwaannada guryaha,” ayaa lagu yiri bayaan ay markaas soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Ka dib jebintaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay mareegta e-visa-da, iyadoo u wareejisay domain cusub si loo xoojiyo amniga. Hay’addu waxay 16-kii November sheegtay inay arrinta u qaadday “muhiimad gaar ah” isla markaana ay billowday baaritaan.

Toddobaad ka hor, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay nidaamka e-visa-da, isagoo sheegay inuu ka hortagay in dagaalyahanno ka tirsan ISIL (ISIS) ay soo galaan dalka, xilli dagaallo ay ka socdeen gobollada waqooyi ee dalka oo ka dhan ah laan ka tirsan kooxdaas.

Andere oo ka tirsan Access Now ayaa tilmaantay in dowlado badan ay si degdeg ah u hirgeliyaan nidaamyada e-visa-da, taasoo badanaa keenta xaalado amni darro. Waxay intaas ku dartay in ay adag tahay in dadka ay is-difaacaan marka ay dhacaan jebinno noocan ah.

“Arrimaha ilaalinta xogta iyo amniga internetka ayaa inta badan noqda kuwa ugu horreeya ee la iska indha-tiro,” ayay tiri. “Waa adag tahay in culayska lagu wareejiyo dadka, maadaama xogta ay bixiyeen ay tahay shuruud looga baahan yahay geeddi-socod gaar ah.”

Isha warka: Al Jazeera

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Shirka Kismaayo: Shirar gaar-gaar oo ka socda Madaxtooyadda Jubaland

Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in sidoo kale laga doodayey erey-bixinta war-murtiyeedka kama dambaysta ah ee kulanka.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 10:40AM