Nimankii diley Xildhibaanad Saado Cali oo dil lagu xukumey

Image

April 6, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riddey labo nin oo ku eedeysnaa dilka dhowr qof oo xildhibaanad Saado Cali Warsme kamid tahay.

Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Shuceyb Ibraahim Mahdi (27-jir)  iyo Faarax Cali Cabdi (30-jir) waxay xeer ilaalintu kusoo eedeysey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana dileen shan qof oo isugu jirey xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda.

Shanta qof ee lagu soo edeeyey in nimankaasi dileen ayaa kala ah:

  1. Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
  2. Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Aadan Maxamed Cali (Madeer).
  4. Axmed Odawaa Baalle, sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.
  5. Maxamed Axmed Maxamed (Qaanuun), sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Shuute ayaa ku dhawaaqey xukunka isagoo sheegay in labada eedaysane dambiga lagu soo eedeeyey ku cadaaday iyaguna maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah.

Muddo bil ah ayaa labada eedaysane fursad loo siiyey si xukunka lagu ridey ay rafcaan ugaga qaataan.

Dhowaan ayey ahayd markii Soomaaliya kaalinta siddeedaad ka gashay tirakoob lagu sameeyey wadamada ay xukunnada dilka ee ugu badani ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM