Odayaal dhaqameedyo lagu laayay qarax ka dhacay Hiiraan

Image
Weerarkan ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay kacdoon kala kulantey dadka deganaka oo ay nabadoonada hogaaminayaan.

BEELDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan afar oday dhaqameed ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtey duleedka Buula-burde ee gobolka Hiiana, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil iyo mas'uuliyiin amni.

Weerarkan oo la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa, sidda ay caddeynayaan macluumaadka laga helayo laamaha ammaanka, wuxuu ka dhacay degaanka Bukh-aqable.

"Odayaasha geeriyoodey ayaa kamid ah shan nabadoon oo la socdey hal baabuur," ayuu raaciyey sarkaal ciidan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn in uu la hadlo warbaahinta madaxabanaan.

Maamulka gobolka Hiiraan oo ay soo xigatay saxaafadda maxaliga ah ayaa intaas ku daray in ay jiraan dhaawacyo aysan tirokoobin wali balse loo daabulay isbitaaladda si loo badbaadiyo noloshooda.

"Waxaan tacsi u direynaa ehelada dhamaan nabadoonada geeriyoodey anaga oo u rajeynayna in ay Ilaahey ka helaan badal wanaagsan," ayaa laga soo xigtey maamulka oo qoraal kooban soo saarey.

Ma jirto koox si rasmi ah wali dusha u saaratay mas'uuliyada falkan. Balse, waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay degaanka ku xooganaa dhaqdhaqaaqa ay ka sameyneyso kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa culeys xooggan waxay kala kulantey dadka degaanka oo ay hogaaminayaan odayaasha dhaqanka kuwaasoo bilaabay in ay la dagaalamaan xoogaga gacansaarka la leh xoogaga Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM