Odayaasha dhaqanka Jubaland oo tababar loo soo xirey

Image

January 27, 2015 (GO)- Xubno ka tirsan duubabka dhaqanka ee guud ahaan gobollada Jubbooyinka ayaa loo tababaray xalinta khilaafaadyada iyo huggaaminta wanaagsan, taas oo lagu saleeyey dhinaca dhaqanka.

Odayaasha oo ahaa kuwa laga kala keenay inta badan degmooyinka saddexda gobol ee Jubba ayaa loo dhigay casharo la xiriira sidii ay u xalin lahaayeen khilaafaadka bulshada dhex mara. Waxaana lagu dhiiri-geliyey howlaha ay hayaan.

Hay’ado ka socday UK ayaa tababarka oo ahaa mid balaaran oo socday lix maalmood duubabka dhaqanka ugu qabtay magaalada Kismaayo.

Burhaan Maxamuud oo Jubba u hadlay, wuxuu sheegay in gobollada Jubbooyinku ay yihiin kuwa soo kabanaya oo nidaam yeeshay isla markaasna u baahan xalinta khilaafyo badan hadda jira iyo weliba kuwa mustaqbalka la filan karo, Burhaan wuxuu boggaadiyey tababarka.

Magaaladda Kismaayo waxaa haatan ka socda olole siyaasadeed oo lagu soo xulayo xubnihii xildhibaanada ee maamulka Jubba. Kuwaas oo lagu soo xulayo hab beeleed keeni karana khilaaf iyo kala aragti duwaansho.

Odoyaasha dhaqanka ayaa door sare ka ah dhismaha maamulka Jubba iyo qorshaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda gobolladaas, maadama ay hore u kala fogeeyaan aragti iyo wada noolaansho ahaanba beelaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM