Odowaa: Farmaajo wuxuu soo kordhiyey dulmi iyo dadka oo la qasbo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Cabdiraxmaan Odowaa, oo kamid ahaa murashaxiinta mucaaraadka hogaanka Galmudug, ayaa ku gacan-sayray in uu aqbalo natiijada doorashadii uu kusoo baxay Qoor-qoor.

Tani ayaa ka dambeysay markii saddex kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee wehliyey ay ku dhawaaqeen in ay u tanaasuleen danta iyo dadka reer Galmudug.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre "in ay dalka kusoo kordhiyeen dadka oo dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan".

Hoos ka akhriso qoraalka

Raggu waa Mawaaqif الرجال مواقف

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM