Erdagan oo ka furey magaalada Muqdisho mashaariic [Daawo Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU Jan 25 2015 [GO]- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Recep Tayyib Erdogan oo booqashada ay ku wheliyeen wasiiro ka tirsan dowladiisa, xildhibaano, ganacsato, xaaskiisa Emine Erdogan iyo gabar uu dhaley ayaa salaan sharaf ka qaatey qaar ka tirsan ciidamo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Booqashada madaxweynaha Turkiga oo ah midii Labaad ee ku yimaada Somalia ayaa xariga ka jarey dhismo cusub ee lagu kordhiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Isbitaal cusub.

Isbitaalka cusub oo horey loo oran jirey Digfeer ayaa loogu magac darey madaxweynaha dalka Turkiga.

Dowladihii isaga dambeyeey magaalada Muqdishu intii ka dambeysay 2011 waxaa ay ku warejiyeen shirkado ganacsi iyo hay'ado kuwa samafalka ah ee laga leeyahay dalka Turkiga  dhismayaashii hore ee dowlada Somalia ku laheyd magaalo madaxda.

Xarumahaas ayaa waxa kamid ah; Isbitaalka weynaa ee Digfeer oo loogu magac darey Erdogan, Iskuulka Banaadir oo la sheegey in laga dhigey isbitaal si gaar ah u leeyihiin ganacsato kasoo jeeda dalka Turkiga, iskuulka farsamada ee ku yaaley KM4 oo laga dhigey dugsi sare oo ganacsi iyadoo ardeyga Somaliga ah sanadkii laga qaado 2500USD iyo kuwo kale.

Shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sidoo kale gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo dekada magaalada Muqdishu.

Turkiga ayaa mashaariic kale aan ka fulin dalka Somalia intiisa kale isaga oo lagu eedeeyo inuu ku kooban magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM