Pentagon oo warbixin kasoo saartey kororka weerarada Al-Shabaab

Image
Warbixinta ayaa muujineysa rikoorka falalka rabshadaha wata ee maleyshiyada 2018 illaa 2020.

WASHINGTON, USA - Rabshadaha ka socda gobolka Saaxil ee Afrika oo lala xiriirinayo "kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah" ayaa afar jibaarmay saddexdii sano ee la soo dhaafay, sidda ay muujineyso warbixin ka soo baxday waaxda Pentagon-ka.

Sida ku xusan warbixinta, kororkan xad dhaafka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo howlgalka Mareykanka ee ka hortagga argagixisada uu ka socdo wadamadan ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixinta ayaa bishii Sebtembar waxay ka soo baxday Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istaraatiijiyada, oo ah machad tacliineed ee Pentagon ee diiradda saaraya gobolka.

Qormadda oo dhowaan lala wadaagay dadweynaha ayaa waxay ku soo beegantay bilo ay socdaan dadaallada uu Maraykanku ku doonayo in uu kula dagaallamo rabshadaha mintidiinta ee gobolka.

Gudaha Soomaaliya, warbixintu waxay muujinaysaa koror boqolkiiba 11 ah "dhacdooyinka Islaamiyiinta xagjirka ah iyo dhimashada" sannadkii la soo dhaafay.

"Waxaa la diiwaan-geliyey 2,221 dhacdooyinka rabshadaha wata ee la soo sheegay waa koror boqolkiiba 45 ah marka loo eego celceliska 3-sano ee 2018-2020," ayaa lagu yiri warbixinta.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lala xiriiriyay 36 boqolkiiba dhammaan rabshadaha kooxda xagjirka ah ee laga diiwaan geliyay Afrika sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta waxa ay ka hadashay hoos u dhaca rabshadaha ka jira Dooxada Harada Chad iyo koror dhexdhexaad ah oo rabshadaha la xidhiidha xagjiriinta ee Mozambique, marka la barbar dhigo kororka la sheegay intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM