Pentagon oo warbixin kasoo saartey kororka weerarada Al-Shabaab

Image
Warbixinta ayaa muujineysa rikoorka falalka rabshadaha wata ee maleyshiyada 2018 illaa 2020.

WASHINGTON, USA - Rabshadaha ka socda gobolka Saaxil ee Afrika oo lala xiriirinayo "kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah" ayaa afar jibaarmay saddexdii sano ee la soo dhaafay, sidda ay muujineyso warbixin ka soo baxday waaxda Pentagon-ka.

Sida ku xusan warbixinta, kororkan xad dhaafka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo howlgalka Mareykanka ee ka hortagga argagixisada uu ka socdo wadamadan ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixinta ayaa bishii Sebtembar waxay ka soo baxday Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istaraatiijiyada, oo ah machad tacliineed ee Pentagon ee diiradda saaraya gobolka.

Qormadda oo dhowaan lala wadaagay dadweynaha ayaa waxay ku soo beegantay bilo ay socdaan dadaallada uu Maraykanku ku doonayo in uu kula dagaallamo rabshadaha mintidiinta ee gobolka.

Gudaha Soomaaliya, warbixintu waxay muujinaysaa koror boqolkiiba 11 ah "dhacdooyinka Islaamiyiinta xagjirka ah iyo dhimashada" sannadkii la soo dhaafay.

"Waxaa la diiwaan-geliyey 2,221 dhacdooyinka rabshadaha wata ee la soo sheegay waa koror boqolkiiba 45 ah marka loo eego celceliska 3-sano ee 2018-2020," ayaa lagu yiri warbixinta.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lala xiriiriyay 36 boqolkiiba dhammaan rabshadaha kooxda xagjirka ah ee laga diiwaan geliyay Afrika sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta waxa ay ka hadashay hoos u dhaca rabshadaha ka jira Dooxada Harada Chad iyo koror dhexdhexaad ah oo rabshadaha la xidhiidha xagjiriinta ee Mozambique, marka la barbar dhigo kororka la sheegay intii u dhaxaysay 2018 iyo 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM

Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab waa nagu adkaadey

Dowladda ayaa haysta caqabado badan oo ku aadan dagaalka, taasoo hakad gelisay howlgalkii socday, waxayna tani fursad siisay Al-Shabaab oo weeraro soo qaadey.

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 09:41AM