Puntland oo dad lagu tuhmay Covid-19 ku wareejineysa Galmudug

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Caafimaadka dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay qabatay tobban qof oo kasoo galay xadka Somaliland kuwaas oo lagu tuhmay in ay sidaan fayruska Corona.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadkaas oo aysan ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in uu soo ritay xanuunka la geliyo karantiil.

Sidda ku xusan bayaanka, laba kamid ah dadkaas waa reer Punland, halka sideeda kale ay kusii jeedeen gobolada dhexe ee hoostaga dowlad goboledka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu caddeeyay in sideedaas ruux lagu wareejinayo maamulka Galmudug "iyaddoo la raacayo nidaamka caalamiga ah".

"Muwaadiniinta kale ee Puntland waxay gudan doonan mudada u hartay karan-tiilka oo 14-maalmood ah," ayaa lagu yiri qoraalka, oo xaqiijiyey in shaqsiyaadkaas la hakiyey Talaadadii shalay.

Dhinaca kale, wasaaradda oo sheegtay in Puntland uusan wali soo gaarin Covid-19 ayaa xustey in ay sugeyso natiijada shan ruux oo ay karan-tiishay balse aysan ka muuqan astaamaha.

Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, ayaa war-saxaafadeedka u akhriyey warbaahinta kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Garowe.

Dowladda Puntland ayaa mar sii horeysay qaadey talaabooyin ay uga hortageyso xanuunkaas, waxaana kamid ah in ay xirtay xuduudaha, mamnuucista qaadka iyo joojinta kulamada waaweyn.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM