Puntland oo ka hadashay Al-Shabaab-ta ku biirtay Daacish [Dhagayso]

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay warar sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ku sugan Gal-gala ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaallanta qaybo ka mid ah Bariga dhexe.

Wasiirka wasaaradda Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" ayaa sheegay inay maqleen xogtaasi, balse Al-Qaacida, Daacish iyo Al-Shabaab waxba is dhaamin.

Qarjab oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda VOA-da, ayaa sababta xubnaha Shabaab ugu biireen ururkaasi ku sheegay dhaqaalo xumo soo food saartay ka dib markii Al-Qaacida ka goosatay dhaqaalihii.

“Anagu war uma hayno sababta ay kooxdani ugu biirtay Daacish, balse waxaa jira warar ku-tiri-ku-teen ah oo sheegaya inay dhaqaale ahaan ugu biireen.Sidoo kalena Al-Shabaab waxaan u aragnaa rag ay dhaqaale badan ku bixiyaan kooxaha argagaxisada ee adeegsada,” Ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay inay adkaynayaa ammaanka xeebaha iyo qaxootiga imaanaya Puntland, wixii awoodooda ahna la dagaalami doonaan.

“Marka hor wax dowladeed wax idaacad laga sheegi karo ma ahan oo dowladdu sir ayay ka leedahay, waxay la dagaalamaysana waa cadow, mana ahan inuu cadowgaasi sirtaada ogaado, laakiinse waxaan kuu sheegayaa in Puntland ka go’an tahay inay la dagaalanto urur walba oo argagaxiso ah oo dhibaato ku haya Somalia iyo caalamka intiisa kale,”Sidaasi waxa yiri wasiirka Amniga Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii garab ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan buuralayda Gal-gala shaaciyeen inay ku biiraan ururka Daacish, waxaana arrintaasi timi cadaadis dhaqaalo xumo oo soo food saaray sida Puntland shaacisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM