Puntland oo ka warbixisey dagaalkii shalay ka dhacay Madashoor

Image

February 14, 2015 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka warbixiyey dagaal shalay ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhex maray deegaanka Madashoor oo qiyaastii 23km tuulada Galgala dhanka galbeedka kaga beegan.

Xasan Cismaan Maxamuud (Alloore) oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtey xafiiskiisa magaalada Garowe ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhacay ciidamada Puntland khasaare xooggan ugu geysteen Al-shabaab.

"Wasaarada Amniga ee Puntland iyo taliska ciidanka Puntland waxay xaqiijinayaan in khasaaraha loo geystey kooxda Al-Shabaab uu dhan yahay 16 dhimasho ah iyo 26 dhaawac ah inta la hubo...ciidanka waxa soo gaarey khasaare kooban oo ah labo mujaahid oo dagaalka ku shahiidey iyo lix dhaawac ah" ayuu yiri.

Wasiirka Amniga Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalkii shalay dhacay uu bilowdey kadib markii ciidamadu qaadeen hawlgal ujeedadiisu ahayd soo furashada dad rayid ah oo kooxda Al-shabaab ka qafaalatay deegaano ka tirsan buuraleyda Golis.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland dhowaan bilaabeyso hawlgalkii ugu dambeeyey kaasoo ujeedadiisu tahay sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa buurleyda Golis iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Mar wax laga weydiiyey meelaha dagaalyahannada Al-shabaab kasoo galaan buuraha wuxuu sheegay inay soo maraan magaalooyin ka tirsan Somaliland gaar ahaan Burco iyo Ceerigaabo.

Ugu dambeyntii Aloore wuxuu baaq u direy dadweynaha isagoo ka codsaday inay adkeynta nabadgelyada ka qayb qaataan si dhowna ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo ay helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM