Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aysan ka qayb qaadan doonin dagaal dhex mara Itoobiya iyo Eritrea, kana hadlay saldhigyada shisheeye
MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyey telefishinka Sky News kaga hadlay xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka taagan Geeska Afrika, amniga Badda Cas, joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya iyo sababta uu aaminsan yahay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland.
Wareysiga oo ay la yeelatay wariye Yousra Elbagir ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu xun yahay, isla markaana ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo dagaal dhex mara Itoobiya iyo Eritrea.
Wariye Yousra Elbagir ayaa Xasan Sheekh weydiisay sida Soomaaliya u maareyn doonto xaaladda haddii dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo xustay in Soomaaliya ay xuduud la wadaagto Itoobiya, ciidamo Itoobiyaan ahna ay ku sugan yihiin gudaha dalka, iyagoo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta.
“Haddii ay wax arrin ahi ka dhex jiraan Ereteriya iyo Itoobiya, taasi iyaga ayay u dhexaysaa, Soomaaliyana shaqo kuma laha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
“Waxaan xiriir wanaagsan la leenahay Itoobiya, waxaan sidoo kale xiriir wanaagsan la leenahay Ereteriya. Mid walbana waxaan xiriir wanaagsan kula leenahay danahayaga iyo danahooda, mana aha mid ku salaysan colaad goboleed.”
Waxa uu intaas ku daray: “Soomaaliya gabi ahaanba kama qayb qaadan doonto wax colaad ah. Ma nihin kuwo taageera colaad.”
Hadalka Xasan Sheekh ayaa imanaya iyadoo uu dhowaan kulan saddex geesood ah la yeeshay madaxweynayaasha Masar iyo Eritrea, labadaas dal oo xiriirkooda Itoobiya uu ku jiro xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni.
Amniga Badda Cas iyo burcad-badeedda
Mar ay wariyuhu weydiisay sida Soomaaliya u maareynayso amni-darrada Badda Cas, oo ay dano waaweyn ka leeyihiin dalalka gobolka iyo quwadaha caalamka, Xasan Sheekh ayaa sheegay inay jiraan laba caqabadood oo waaweyn.
“Laba dhibaato ayaa ka jira Badda Cas. Mid waa arrinta colaadda ka taagan dhanka kale ee badda, ee Yemen. Midda kalena waa burcad-badeedda,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in inkastoo beesha caalamku dhaqaale badan ku bixisay la dagaallanka burcad-badeedda Soomaaliya, haddana aan weli xal waara laga gaarin, isla markaana ay dib u soo ifbaxday khatartaasi.
“Waxaan mudannahay inuu adduunku nagu taageero sidii amniga looga adkeyn lahaa aagga xeebaha—3,400 oo kiiloomitir oo xeeb ah ma aha wax ay Soomaaliya keligeed difaaci karto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Saldhigyada shisheeye iyo joogitaanka Turkiga
Wariye Yousra Elbagir ayaa sidoo kale weydiisay sida Soomaaliya u maareyneyso dalalka doonaya inay saldhigyo iyo joogitaan militari ku yeeshaan Badda Cas, iyadoo si gaar ah u xustay Ruushka, Israa’iil, Turkiga, Mareykanka iyo Itoobiya.
“Maya, waligeen ma siinin fursad dalalka doonaya inay saldhigyo wakiilnimo (proxy bases) ka sameystaan dalkeenna,” ayuu ku jawaabay Xasan Sheekh.
Hase yeeshee, Turkiga ayaa saldhig ciidan ku leh dalka Soomaaliya, isagoo ay ka joogaan diyaaradaha dagaalka F-16, dhinaca kalena dhisaya xarun laga rido gantaallada.
Joogitaanka militari ee Turkiga iyo hadalka Xasan Sheekh ee ku saabsan saldhigyada shisheeye ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay kala saarista heshiisyada difaaca ee dowladuhu si toos ah u galaan iyo saldhigyada uu ku tilmaamay kuwa wakiilnimo.
Xasan Sheekh oo sheegay in dhaqdhaqaaqyada Imaaraadka ay sharci-darro yihiin
Mar ay wariyuhu si gaar ah u weydiisay qorshayaasha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiiskii difaaca iyo amniga ee labada dhinac uu burburay.
“Imaaraadka… waxaan dhihi karaa waxaan horay ula lahayn heshiis dhanka difaaca iyo amniga ah, laakiin kaas waa la baabi’iyay,” ayuu yiri.
“Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo ay Imaaraadku ka wadaan gudaha Soomaaliya waa sharci-darro; kuma dhisna wax sharci ah ama heshiis jira.”
Hadalkaasi ayaa muujinaya mowqifka Xasan Sheekh ee ku aaddan joogitaanka iyo howlaha Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo difaaca.
Aqoonsiga Somaliland iyo danaha Israa’iil
Qayb kale oo wareysiga ka mid ah, wariye Yousra Elbagir ayaa Xasan Sheekh weydiisay sababta uu u maleynayo in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland.
“Israa’iil waxay doonaysaa Badda Cas. Taasi waa sababta kaliya,” ayuu ku jawaabay.
“Wax naxariis ama dareen ah uma hayaan Somaliland ama qadiyadda Somaliland. Waxa kaliya ee ay doonayaan waa inay saldhig ciidanka badda ah ku yeeshaan aaggaas, si ay ugu dhowaadaan Gacanka iyo meel kasta oo kale oo ay beegsanayaan.”
Waxa uu intaas ku daray in Israa’iil aysan wax dan ah ka lahayn horumarka Somaliland ama qadiyaddeeda siyaasadeed, balse ay raadineyso danaha istaraatiijiyadeed ee ay ka leedahay Badda Cas.
Wareysiga Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo loollan siyaasadeed iyo mid militari oo sii kordhaya, iyadoo dalalka gobolka iyo quwadaha caalamku ay si weyn u daneynayaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
GAROWE ONLINE