Qodista shidaalka Turkiga oo dib u dhacday: Ma Villa Somalia ayaa rajada shidaalka ku qarinaysa muranka muddo-xileedka?
MUQDISHO, Soomaaliya — Howlgalka qodista shidaalka ee Turkigu ka wado xeebaha Soomaaliya ayaa wajahaya dib u dhac cusub, iyadoo cilado farsamo iyo xaaladaha badda lagu sababeeyey hakadka ku yimid shaqadii markabka Çağrı Bey, xilli dowladda federaalka ee muddo-xileedkeedu dhammaaday ay wajahayo khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan sharciyadda sii joogitaankeeda.
Sida ay sheegayaan wararka laga soo xigtay mas’uuliyiinta Hay’adda Batroolka Soomaaliya, qodista ceelka Curad-1 ayaa gaartay qoto dhan ku dhowaad 5,500 oo mitir, waxaana qorshuhu yahay in la gaaro 7,500 oo mitir.
Howlgalka oo markii hore la filayay inuu dhammaado bilihii Sebteembar ama Oktoobar ayaa hadda la sheegay in dhammaadkiisu dib ugu dhici karo Diseembar 2026.
Dowladda Turkiga ayaa mashruucan ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah iskaashiga tamarta ee Ankara iyo Muqdisho, balse weli lama shaacin natiijo rasmi ah oo muujinaysa in la helay shidaal ganacsi ahaan loo soo saari karo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 16-kii Oktoobar booqday markabka qodista ee Çağrı Bey, isagoo mashruuca ku tilmaamay fursad dhaqaale oo muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya.
Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee dalka, gaar ahaan muranka ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka iyo qabsoomidda doorashooyinka.
Heshiiska Turkiga iyo Villa Somalia
Heshiiska shidaalka ee dhexmaray Turkiga iyo Villa Somalia ayaa noqday arrin siyaasadeed oo muran dhalisay, iyadoo dhaliilaha loo jeedinayo ay ku saabsan yihiin hufnaanta heshiiska, qeybsiga dakhliga khayraadka iyo doorka dowlad-goboleedyada ee go’aannada khuseeya shidaalka dalka.
Heshiiska asalka ah waxaa la galay bishii Maarso 2024, balse fulintiisa ayaa sii socota xilli uu taagan yahay muran ku saabsan dhammaadka muddo-xileedka dowladda federaalka.
Sidoo kale, waxaa jira aragti siyaasadeed oo xooggan oo heshiiska shidaalka iyo dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee xeebaha Soomaaliya u aragta kuwo loo adeegsanayo in dareenka shacabka lagu jeediyo rajada laga qabo helitaanka shidaalka, halkii laga hadli lahaa dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka iyo muranka doorashooyinka.
Dooddan ayaa sii xoogaysatay kadib booqashadii Xasan Sheekh ee markabka Çağrı Bey, xilli Villa Somalia ay wajahayso cadaadis ku saabsan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo qabsoomidda doorashooyinka.
Natiijada qodista oo weli la sugayo
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa hore u sheegay in xogta sahannada laga helay ay muujinayso suurtagalnimada jiritaanka shidaal iyo gaas, balse qodista ceelasha ay tahay tallaabada lagu xaqiijinayo kaydkaas.
Dib u dhaca ku yimid qodista Curad-1 ayaa ka dhigan in natiijooyinkii laga sugayay howlgalka ay sii dheeraanayaan, iyadoo weli aan la shaacin cadadka shidaalka ee laga yaabo in laga helo goobta.
Natiijada qodista Curad-1 ayaa la sugayaa, iyadoo mashruucan uu hadda ku dhex jiro xaalad ay isku sidkan yihiin rajada dhaqaale ee shidaalka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dowladda federaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE