Qaadka oo noqday hal-beegga dublumaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya

Image
Si kastana ha ahaatee, qaadka wuxuu meesha kala baxay waxyaabihii kale ee muhiimka u ahaa xiriirka labada dal.

NAIROBI, Kenya - Wixii ugu horeeyay ay ka wada hadleen madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxay noqdeen Arrimaha qaadka. 

Wuxuu qaadka ka hormaray amniga, socdaalka, isu gudubka badeecooyinka iyo xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya.

La yaabna ma lahayn in Xasan Sheekh qudhiisa uu aad u danaynayay arrinkani maadaama shirkadaha khidmada qaadka loo qoondeeyey ay yihiin kuwa si so toos ah ugu xiran Villa Somalia.

Shirkadahaan qaata khidmada qaadka  ayaa sida la rumeysan yahay lacagaha qaybtood ay Villa Somalia siiyaan lagu furdaamiyaa arimaha siyaasada kuwaas oo gaarsiisan heer federaal ilaa maamul.

Qaadka oo ah ganacsi macaash badan, soona saara lacag caddaan ah oo degdeg ah ayaa noqday moowduuc weyn oo siyaasadeed oo dowlad kasta oo dalka timaada ay si uga faaiidaysan jirtay. Dowladdii Hore ee Farmaajo waxa ay uga faaiidaysatay in ay ku adkayso xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, kuna ciqaabto Kenya.

Dowladdan Xasan Sheekh waxa ay hadda u adeegsanaysaa adkaynta xiriirka Madaxweynaha cusub ee Kenya Ruto, kaas uu Xasan ilduufay in la dooran doono, maalmo ka hor doorashadana uu heshiis la galay Uhuru Kenyatta iyo xulufadiisii ololaha doorashada ku jirtay. Arrintaasi Ruto ma aysan cajab galinin, balse hadda wuxuu doonayaa in beeralayda Degmada Meru uu tusiyo in uu dantooda ku maqanyahay.

Wuxuu miiska soo saaray in meesha laga saaro isbaarada iyo lacagaha tirada badan ee qaadka laga qaado.

Halkii Soomaaliya laga baryi lahaa suuqa qaadka, ayaa waxa ay sheekada isu rogtay in Kenya ay dalabyada iyadu bixiso, maadaamaa miiska gorgortanka ay iyada ku xoog badantahay.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in uu saarayo guddi labada dhinac ah, tan waxaa lagu fasiray in hawsha maamulista qaadka laga saarayo gacanta dowladda Soomaaliya laga bilaabo marka qaadka beerta laga gurayo illaa uu gaarayo suuqa Muqdisho, taas oo micnaheedu yahay in lacag la isla ogyahay ay ku baxdo, meeshana ay ka baxaan lacagaha sharci darada ah ee hadda ku dhaca qasnadaha gaarka loo leeyahay.

Si kastana ha ahaatee, qaadka wuxuu meesha kala baxay waxyaabihii kale ee muhiimka u ahaa xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM