Qadar oo ka hadashay isqarxintii lagu beegsaday xero Nacnac

Image
Ugu yaraan 15 dhalinyaro tababar ciidan loogu qaadi lahaa Masar ayaa ku nafwaayay weerarkan ismiidaaminta ah.

DOOXA, Qadar - Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo sababay dhimasho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu adkeeyay mowqifka adag ee xukuumadda Dooxa ee ku aadan diidmada qalalaasaha iyo argagixisada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in Dowladda Qatar ay tacsi u dirtay eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday falkaas iyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Dooxa ayaa hoosta ka xariiqdey in ay ku garab-taagan tahay Soomaaliya la dagaalanka iyo soo afjarida fekerka kooxaha argagixisadda ah ee carqaalda ku ah xasiloonida waddanka.

Ugu yaraan 15 qof oo u badan dhalinyaro loo qorayay kamid noqoshadda ciidamada Soomaaliya ayaa ku nafwaayay ismiidaamintan lala eegtay Xero Nacnac, sidda ay sheegeen illo dhanka ammaanka ah.

Illo wareedyadda ayaa xaqiijiyey in naftii-haligaha uu iska soo dhigay dhalinyaradda loo qorayay ciidamadda kuwaasoo lagu waramay in ay kamid ahaayeen cutubyo ku wajahnaa waddanka Masar.

Ciidamadda tababarka loogu qaadayo Masar ayaa dhaliyey su'aallo badan maadaama qaabka loo diiwaan-gelinayo uu yahay mid qarsoodi ah isla markaana ay maalgelineyso Imaaraadka oo ay Qadar is-haayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM