Qadar oo ka hadashay isqarxintii lagu beegsaday xero Nacnac

Image
Ugu yaraan 15 dhalinyaro tababar ciidan loogu qaadi lahaa Masar ayaa ku nafwaayay weerarkan ismiidaaminta ah.

DOOXA, Qadar - Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaasoo sababay dhimasho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu adkeeyay mowqifka adag ee xukuumadda Dooxa ee ku aadan diidmada qalalaasaha iyo argagixisada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in Dowladda Qatar ay tacsi u dirtay eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday falkaas iyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Dooxa ayaa hoosta ka xariiqdey in ay ku garab-taagan tahay Soomaaliya la dagaalanka iyo soo afjarida fekerka kooxaha argagixisadda ah ee carqaalda ku ah xasiloonida waddanka.

Ugu yaraan 15 qof oo u badan dhalinyaro loo qorayay kamid noqoshadda ciidamada Soomaaliya ayaa ku nafwaayay ismiidaamintan lala eegtay Xero Nacnac, sidda ay sheegeen illo dhanka ammaanka ah.

Illo wareedyadda ayaa xaqiijiyey in naftii-haligaha uu iska soo dhigay dhalinyaradda loo qorayay ciidamadda kuwaasoo lagu waramay in ay kamid ahaayeen cutubyo ku wajahnaa waddanka Masar.

Ciidamadda tababarka loogu qaadayo Masar ayaa dhaliyey su'aallo badan maadaama qaabka loo diiwaan-gelinayo uu yahay mid qarsoodi ah isla markaana ay maalgelineyso Imaaraadka oo ay Qadar is-haayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM