Qadar oo ka hadashay qarax ka dhacay duleedka Kismaayo
DOOXA, Qadar – Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii lala beegsaday gaari bas ah oo marayay meel u dhow magaalada xeebta leh ee Kismaayo sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee Dowladda Qatar.
Qaraxaan oo Jimcihii ka dhacay koonfurta Soomaaliya, ayaa sababay dhimashada 10 ruux oo rayid ah iyo dhaawac intaasi ka badan sida ay sheegeen saraakiisha amaanka maamulka Jubbland.
War saxaafadeed ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayay ku celisay dowladda Qatar mowqifkeeda adag ee ku aaddan diidmada rabshadaha iyo argagixisada, iyadoo aan loo eegin ujeeddooyinka iyo sababaha”
Wasaaradda arrimaha Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay tacsi tiiraanyo u dirayso ehellada dadkii ku dhintay, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay dadkii ku dhaawacmay in uu deg deg ah Allah u bogsiiyo.
Gaari ay la socdeen dad shacab ah ayey Jimcihi Miino kula qaraxday degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose sida ay sheegayaan laamaha amaanka iyo saraakiisha caafimaadka deegaanka.
Gaariga oo ahaa nooca basaska ee Soomalida u taqaano Homeyda ama caasiga ayay miinada nooca dhulka lagu aaso qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka Kismaayo.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxasi ay ku dhinteen inta badan dadkii Shacabka ahaa ee Gaariga saarnaa, waxaana jira dad dhaawacmay oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab , inkastoo kooxdaan xiriirka la leh Al Qaacida aysan wali sheegan masuuliyada weerarka lagu laayay dadka shacabka ah.
GAROWE ONLINE