Qalab cusub oo lagu baaro Covid-19 oo laga dejiyey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qalab cusub oo lagu baaro cudurka Covid—19 ayaa gaarey magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, sidda ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ku leedahay wasaaradda ayaa loogu mahadceliyey Dowladda Talyaaniga.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka [WHO] faraceeda Soomaaliya iyo Hay'adda Cunada Aduunka ee WFP ayaa dhankooda waxaa looga mahadnaqay taageeradooda dhanka farsamada iyo sahayda.

Xukuumadda Roma ayaa la fahansan yahay in ay bixisay lacagta lagu soo iibiyey qalabka cusub oo xoojinaya awooda ay wasaaraddu u leedahay in ay dalka ku baarto kiisaska la xiriira fayruska safmareenka ah.

Agabka cusub ee la helay ayaa kusoo aadeysa xili wasaaradda ay horey u shaacisay in Sheybaarka Dhexe ee Qaranka lagu sameeyay dib-u-habeyn isla markaana lagu sameyn karo tijaabooyinka Coronavirus.

"Sheybaarka Dhexe ee Qaranka oo looga baaqsaday baahidii dalka dibaddisa loogu soo sameyn jiray baaritaanka cudurka Corona ( COVID-19)," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaarada.

Soomaaliya ayaa horey u dalabatay dhowr xabo oo makiinadaha lagu tijaabiyo dheecadana cudurka. Qaarkood waxaa la qorsheeyay in loo diro xarumaha maamul goboleedyadda.

Kiisaska xanuunka ee laga soo wariyey Muqdisho ayaa gaaraya 12; hal qof oo 58-sano jir ah waa bukaanka kaliya ee u geeriyooday; intaas waxaa wehlisa in uu kasoo kabtay hal qof, waxaase la baarayaa tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM