Qalbi dhagax oo ka jawaabay cafiskii uu dalbaday Sanbaloolshe

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax] ayaa ka falceliyey cafiskii uu dalbaday Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii sirdoonka Soomaaliya oo qirtay in uu door ku lahaa dhiibistii sarkaalkan.

21-kii Janaayo 2020 ayay ahayd markii Sanbaloolshe uu qirashadda sameeyay kadib wareysi uu siiyey Talafishinka maxaliga ah ee Dalsan.

Qalbi dhagax oo wareysi siiyey barnaamijka Xog-wareysi ee ka baxa idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa ganafka ku dhuftay dalabkaas.

"Sanbaloolshe wuxuu dambi ka galay Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, urur gobonimo doon ah oo 600-sano ah si xalaal ah u halgameyay ayuu dambi ka galay, shaqsigeyga buu dambi ka galay," ayuu xusay.

Qalbi dhagax ayaa ku daray "marka aniga cafiskiisa ii gaar maahan marka in uu si dhab ah u towbad keeno oo Umadda uu cafis u waydiisto hala gaaro, marka hadda diyaar uma ahayn hadalkiisana uma ekeyn".

Mar la waydiiyey habraaca loo marayo iyo nooca cafiska uu doonayo ayuu ku jawaabay "taas mar kale ayaan ka jawaabi doonaa, iyo waqtigeeda".

"Dambigiisa ma ahan mid aniga kaliya ii yaalo, wuxuu horyaalaa Ummadda Soomaaliyeed, waana dambiile aad khatar u ah," ayuu xusay.

Isagoo ka jawaabaya sababta ay dowladda wali ugu adkeysaneyso in ONLF ay tahay urur argagixiso ayuu yiri "ha isaga adkeysato, waa loo jeedaa cida argagixiso ah iyo cidda shacabkeeda dhibeysa".

Ugu dambeyntii, wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarey in uu wax xiriir ah la leeyahay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada haatan jirta ee Soomaaliya.

Bishii August 2017 ayay ahayd markii Qalbi dhagax laga soo qabtay koonfurta Gaalkacyo isla markaana isla bishaas loo dhiibay dowladda Itoobiya.

Kadib dedaalo ay ka qeyb-qaateen dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin sar-sarre, bishii June 2018 ayaa laga soo daayey Jeelka kadib cafis uu u fidiyey ra'iisul wasaare Dr Abiy Axmed Cali.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM