Qaraabo-nimada sumcad-xumada usoo jiiday calanka Soomaaliya

Image
Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in ay ogaadeen in musuq iyo hab aan saxnayn lagu soo xulay Nasro Abukar oo Somalia ku matashay tartan ciyaaraha oo dalka Shiinaha ka dhacay.

Khadiijo Aadan Daahir gudoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee shaqada laga joojiyay ayuu sheegay wasiirku in ay qaraabo la tahay Nasro Abukar.

Gabadhaan ayaa la xaqiijiyay in ay Habaryar u tahay Khadiijo Aadan Daahir isla markaana ay dhashay walaasheed Deeqo Aadan Aadan.

Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka taasi oo ay siyaabo kala duwan u tabiyeen warbaahinta caalamku.Wasiirka Dhalinyarada oo xaqiijiyay Qaraabo-nimada Nasra Abukar iyo Gud xiriirka ciyaaraha fudud.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in ay ogaadeen in musuq iyo hab aan saxnayn lagu soo xulay Nasro Abukar oo Somalia ku matashay tartan ciyaaraha oo dalka Shiinaha ka dhacay.

Khadiijo Aadan Daahir gudoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee shaqada laga joojiyay ayuu sheegay wasiirku in ay qaraabo la tahay Nasro Abukar.

Gabadhaan ayaa la xaqiijiyay in ay Habaryar u tahay Khadiijo Aadan Daahir isla markaana ay dhashay walaasheed Deeqo Aadan Aadan.

Soomaaliya ayaa loo diiwaan geliyay orodkii ugu gaabnaa ee abid taariikhda caalamka taasi oo ay siyaabo kala duwan u tabiyeen warbaahinta caalamku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM