Qaramada Midoobay oo ergay cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Image
Catriona Laing oo ah qof aan ku cusbneyn Muqdisho ayaa waxay u dhalatay boqortooyadda UK.

NEW YORK, United States - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Catriona Laing usoo magacaabay Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya, sidda ku cad qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Laing, oo u dhalatay Britain isla markaana noqon doonta iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), ayaa waxaa la filayaa in ay xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.

Bayaanka xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing ay leedahay in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey rajo ku aadan in waay-aragnimadaas ay wax badan kusoo kordhin doonto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey nuqul kamid ah qoraalka xafiiska Guterres, Catriona ayaa sidoo kale waxay siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah.

Catriona Laing oo ah qof aan ku cusbneyn ka shaqeynta dalkan dhaca Geeska Afrika ayaa hore u soo noqoday madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994.

Kahor inta aan loosoo magacaabin xilka, Laing ayaa waxay aheyd safiirka boqortooyadda UK u fadhisay dalka Nigeria mudadii u dhexeysay bishii Noofambar sanadii 2018 ilaa bishii Abriil ee sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM