Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada xubnaha Al-Shabaab

Image
Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay in uu koray dakhliga sanadlaha ee kooxda hubeysan.

WASHINGTON, USA - Tiradda maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa weli taagan, waxaana lagu qiyaasaa 7,000-12,000 oo dagaalyahan, sidda ay sheegtay warbixinta argagixisada Qaramada Midoobay.

Laakiin, warbixintu waxay xustay, in dakhliga sannadlaha ah ee kooxda uu korayo - $100 milyan ilaa $150 milyan - iyada oo intaa ku dartay "25% ay ku baxdaa iibsashada agabka milatariga".

Intaas waxaa wehlisa, garabka shabakadda al-Qacida ee Soomaaliya ayaa "waxaa soo gaaray khasaarooyin ka dhashay olole militari ee ka bilowday dalka oo dhan," ayay warbixintu sheegtay.

Hase ahaatee, warbixinta oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa ayaa hoosta ka xariiqdey in Al-Shabaab ay gulufkan kaga jawaabeen qaar ka mid ah weeraradii ugu balaarnaa iyo uguna geerida badnaa.

"Al-Shabaab waxay dileen in ka badan 500 oo qof oo rayid ah, saraakiil dowladeed, askar, saraakiil sharci-fulin iyo nabad-ilaaliye caalami ah 6-dii bilood ee lasoo dhaafay," ayay raacisay.

Warbixinta ayaa qirtey in kooxda ay sii wado isku-fidinta iyo qabsashadda dhuleed ee Soomaaliya iyo dowladaha dariska ah si gaar ah Itoobiya oo ay bilowgii dhamaadka sanadkii hore weeraro ka geysteen.

Al-Shabaab ayaa horey joogitaan aan saameyn badan lahayn ku lahayd Kenya halkaasoo ay ka geystaan weeraro teel-teel ah oo ka dhashay waxyeelo soo gaarey dadwayne iyo saraakiil ciidamo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM