Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ku dartey liis halis ah

Image
Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta.

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee Miisaaniyadda golaha guud Qaramada Midoobay, waxaana qeyb ka ah dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa muujineyso in Soomaaliya ay haatan halis ugu jirto in ay weyso codka ay ku leedahay Qaramada Midoobay, maadaama aysan bixin lacagta deynta ah oo dhan 1.4 milyan, sida lagu soo bandhigay shaxda wadamada aan bixin oo ay Soomaaliya ku jirto.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta ee golaha guud, haddii aysan jirin duruuf ka baxsan gacanta dalka.

"Xubin ka tirsan Qaramada  Midoobay oo lagu leeyahay dayn bixinta tabarucaadkeeda maaliyadeed ee Ururka wax cod ah kuma yeelan karo Golaha Guud haddii inta ay le’eg tahay ama ka badan tahay qaddarka qaaraanka ee ka soo baxay labada hore oo buuxa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa "Si kastaba ha ahaatee wuxuu u ogolaan karaa xubintaasi inuu codeeyo haddii uu ku qanco in bixin la’aanta ay sabab u tahay shuruudo ka baxsan xakamaynta xubinta".

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay ayaa yiri "Qarammada Midoobay waxey noo haysataa qaaraankii (fee) aan iska bixin waynay oo Golaha aan cod la’aan dhex fadhin doono, halka Madaxweynaha xilka ka dhamaaday uu habeen hore noogu khudbeeyey in ay Soomaaliya xubin ka noqonayso Golaha Amaanka”.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri "Shacabka Soomaaliyeed waa in ay iska ilaaliyaan hoggaamiye aan run aqoon, jecelna in lagu ammaano wax uusan qaban. Kan jooga kuma eka ee kuweena soo hanqal taagayana iska eega".

Soomaaliya oo ay muhiim u tahay kasii mid ahaanshaha UN-ka "si ay uga soo muuqato fagaarayaasha caalamka ayaa waxa ay tahay in ay iska bixiso lacagta lagu leeyahay, taas oo ay muddo iska bixin, balse saameyn ku yeelan karto codka ay ku leedahay golaha guud".

Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa horey u go’aamisay in Soomaaliya, Comoros, Sao Tome & Principe loo ogolaado inay codkooda ka dhiibtaan Golaha illaa dhamamadka kalfadhiga lix iyo todobaatanaad.

Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkii 2020-kii loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Madaxweyne ku xigeen ee fadhigga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeysay sanadka marka uu ahaa 1979-kii.

Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Faraajo ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka noqoneyso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay balse saacado ka dib ayaa la soo saaray warqadda ay 11 dal oo Soomaaliya kamid tahay oo bixin waayey Qaaraankoodii xubinnimada Qaramada Midoobay! kuna taariikheesantahay 11 Janaayo 2022 taas oo ka soo baxday Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM