Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Image

Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u taageertay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qabanayso madal wadatashi qaran, iyadoo la casuumayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xilli cadaadiska siyaasadeed ee saaran Villa Somalia uu kor u sii kacayo.

Khilaaf ayaa ka taagan habka loo maamulo doorashada, iyadoo dhinacyada mucaaradku ay sheegeen in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diido wadahadal iyo heshiis siyaasadeed, ay diyaar u yihiin in ay doorasho ku qabtaan dalka si madaxbannaan.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca ku saabsan khilaaf siyaasadeed oo ka dhalan kara doorashooyinka is-bar-bar socda, iyadoo waqtiga dastuuriga ah ee xil-heynta Madaxweynaha uu soo dhow yahay.

UNTMIS ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda, si daacadnimo iyo wada-shaqeyn leh uga qaybqaataan wadahadallada, isla markaana lagu gaaro heshiis ku saabsan doorashooyin hufan oo loo dhan yahay, si looga hortago dib u dhac dowladnimada dalka.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed, ilaalinta dimoqraadiyadda, iyo hubinta in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo, taasoo gacan ka geysanaysa nabadda iyo xasiloonida dalka.

Mucaaradka ayaa aaminsan inuu Madaxweynaha rabo mudo-korarsi sharci-darro, maadaama aan socon wax diyaar garow doorasho ah, islamarkaana waqtiga dowladda 3 bilood ka dhiman yahay.

GAROWE OLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM