Qarax culus oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaaladda Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoogayaal la hadlay Garowe Online, waxay sheegeen in Miinada ay haleeshay mid kamid ah Kolanyadda oo ahaa gaariga loo yaqaan Cabdi Bilaha, halkaasna uu burbur kasoo gaarey.

Ugu yaraan saddex Askari ayaa lagu dilay weerarka, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka, iyo kan degmada Jowhar oo siyaabo kala duwa ugu waramay Warsidaha GO, waxay xaqiijiyeen inay wadaan Baaris ku saabsan qaabka uu udhacay Qaraxa, iyo khasaaraha.

Kolanyadda ayaa kasoo baxday tuuladda Haanshiiq, islamarkaana ay kusii jeedaan Magaalada Jowhar, balse, weerarkaan uu ku qabsaday Deegaanka Ilbaq, oo duleedka uga yaala caasimada gobolka Shabellaha Dhexe.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxan, balse, Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka saarta weerarada noocaan ah ee ka dhacay guud ahaan Geyiga Soomaaliya.

Ciidamada weerarkaan lagu beegsaday ayaa waxaa loo geeyay deegaanka Haanshiiq inay ka hortagaan weeraro ay Shabaab ka fuliyaan halkaas kuwaasoo isugu jira kuwa toos ah iyo Miinooyin a wadooyinka ku aasaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM