Qarax culus oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaaladda Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoogayaal la hadlay Garowe Online, waxay sheegeen in Miinada ay haleeshay mid kamid ah Kolanyadda oo ahaa gaariga loo yaqaan Cabdi Bilaha, halkaasna uu burbur kasoo gaarey.

Ugu yaraan saddex Askari ayaa lagu dilay weerarka, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka, iyo kan degmada Jowhar oo siyaabo kala duwa ugu waramay Warsidaha GO, waxay xaqiijiyeen inay wadaan Baaris ku saabsan qaabka uu udhacay Qaraxa, iyo khasaaraha.

Kolanyadda ayaa kasoo baxday tuuladda Haanshiiq, islamarkaana ay kusii jeedaan Magaalada Jowhar, balse, weerarkaan uu ku qabsaday Deegaanka Ilbaq, oo duleedka uga yaala caasimada gobolka Shabellaha Dhexe.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxan, balse, Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka saarta weerarada noocaan ah ee ka dhacay guud ahaan Geyiga Soomaaliya.

Ciidamada weerarkaan lagu beegsaday ayaa waxaa loo geeyay deegaanka Haanshiiq inay ka hortagaan weeraro ay Shabaab ka fuliyaan halkaas kuwaasoo isugu jira kuwa toos ah iyo Miinooyin a wadooyinka ku aasaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM