Qarax dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay Jowhar

Image

March 11, 2015 (GO)- Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaala ayaa xalay qarax lagula eegtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Bam nooca gacanta ah ayaa lagu tuurey gaariga xilli uu marayey xaafadda Hantiwadaag. Weerarka waxaa ku dhaawacmey afar qof oo dhammaantood askar ahaa.

Askarta dhaawacantey oo labo kamid ah xaaladoodu halis tahay waxaa xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada.

Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado kadib soo gaarey aagga uu qaraxu ka dhacay, waxayna gacanta kusoo dhigeen dhowr qof oo falkaas lala xiriirinayo.

Ciidamadu waxay sidoo kale xireen qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee dhex mara xaafadda Hantiwadaag, inkastoo saaka dib loo furey.

Xaaladda Jowhar ayaa maanta ah mid deggen, waxaana si caadi ah ku socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM