Qarax dad ku dhintey oo ka dhacey magaalada Kismayo

Image

KISMAYO Jan 10,2015 [GO]-  Qarax galinkii dambe ka dhacay magalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Guulwade kaa oo lala eegtay gaari ay saarnayeen cidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku geeriiyooday Laba kamid ah askarta nabad sugida.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso kaa oo lala eegtay gaariga ay saarnaayeen ciidamada.
 
Qof kale oo dumar ah taa oo mareysay wadada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxa.
 
Askarta maamulka oo soo gaartay goobta ayaa caawa fiidkii ka sameeyay baaritaano badan kuwaa oo laga sameeyay xaafadaha Guulwade iyo Shaqaalaha ayadoo ay tirro dad ah u xir-xireen falka qaraxa ee dhacay.
 
Sargaal u hadlay nabad sugida Jubbaland ayaa ku eedeayay falka qaraxa dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo inta badan qaraxyo la beegsada gaadiiidka ay isticmaalan ciidamada iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM.
 
Qaraxa lala eegtay ciidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa ku soo aaday xili maalmihii la soo dhaafay hawlgallo ka dhacay Kismaayo lagu xir-xiray dad kor u dhaafay 100 ruux kuwaa oo qaarkood shegeen ciidamada ammaanka in ay kuu qabteen hub iyo miinooyin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM