Qarax dad ku dhintey oo ka dhacey magaalada Kismayo

Image

KISMAYO Jan 10,2015 [GO]-  Qarax galinkii dambe ka dhacay magalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Guulwade kaa oo lala eegtay gaari ay saarnayeen cidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku geeriiyooday Laba kamid ah askarta nabad sugida.

Qaraxa ayaa ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso kaa oo lala eegtay gaariga ay saarnaayeen ciidamada.
 
Qof kale oo dumar ah taa oo mareysay wadada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxa.
 
Askarta maamulka oo soo gaartay goobta ayaa caawa fiidkii ka sameeyay baaritaano badan kuwaa oo laga sameeyay xaafadaha Guulwade iyo Shaqaalaha ayadoo ay tirro dad ah u xir-xireen falka qaraxa ee dhacay.
 
Sargaal u hadlay nabad sugida Jubbaland ayaa ku eedeayay falka qaraxa dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo inta badan qaraxyo la beegsada gaadiiidka ay isticmaalan ciidamada iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM.
 
Qaraxa lala eegtay ciidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa ku soo aaday xili maalmihii la soo dhaafay hawlgallo ka dhacay Kismaayo lagu xir-xiray dad kor u dhaafay 100 ruux kuwaa oo qaarkood shegeen ciidamada ammaanka in ay kuu qabteen hub iyo miinooyin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Radio Sweden oo shaaciyey sida Xafiiska RW Soomaaliya ugu tagri faley lacago gargaar ah

Warbixintaan , oo ay diyaarisay Ekot — waaxda ugu weyn ee wararka Raadiyaha Sweden…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 02:58AM

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM