Qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image
Waa weerarkii ugu horeeyay oo sanadka cusub 2022 laga soo wariyo caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hal qof ayaa ku nafwaayey laba kalana wey ku dhaawacmeen qarax gaari caawa oo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wakaaladda wararka Qaranka ayaa warisay "in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar" kuna qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee caasimadda Soomaaliya.

Ma cadda bartilmaameedka. Balse, goobjoogeyaal waxay sheegayaan in goobta ay wax ka dhaceen ay marayeen ciidamo ka tirsan dowladda. Balse, saraakiisha ammaanka way ka gaabsadeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko.

Najiib Carab oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa intaas ku daray "in gaariga uu kadib uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayaan".

Taliyaha ayaa, sida ay ku warantay SONNA, wuxuu xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku geeriyooday qaraxa gaarigan. Ma uusan soo hadal-qaadin cidda ka dambeysay falkaas.

"Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay sugidda ammaanka gobolka Banaadir,iyadoo saraakiisha hogaamisa ciidamada qalabka sida ay saraakiisha amar ku siiyeen in ay waqtigooda ku bixiyaan sugidda amniga Guud ee dalka," ayay SONNA tiri.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka jirto Muqdisho taasoo u dhaxeysa hogaanka waddanka kuwaasoo isku haya hanaanka loo marayo doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM