Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qaraxa lagu soo xiray, ayaa goordhaw ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lala eegtay Bar-koonatarool oo Ciidamada NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheere, halkaasi oo ay ku baaraan Gaadiidka soo gala magaalada Muqdisho.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in Qaraxa uu geestay Khasaarooyin isagu jiro dhimasha iyo dhaawac, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in hal ruux oo ah ninkii waday Gaariga qaraxa uu ku dhintay.

Ciidamada ayaa goobta xiray qaraxa kadib, waxaana hakad galay isku socodkii baabuurta wadada oo ah mid isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa dhaawacyada usoo qaaday Isbitaallada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu kusoo jeeday caasimadda, balse markii uu kasoo gudbi waayay Barta Koonatrool uu isku qarxay goobtii uu taagnaa, inta aysan Ciidamada NISA gacanta ku dhigin.

Qaraxan ayaa dhacay xilli gudaha Muqdisho Ciidamada la geliyay feejignaan sare, kadib markii Sirdoonka dowladda ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay qorsheynayso inay weerarto Hoteello ku yaalla jidka Makka Al Mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha. Halkan ka akhri.

Fahfaahinta khasaaraha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM