Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qaraxa lagu soo xiray, ayaa goordhaw ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa lala eegtay Bar-koonatarool oo Ciidamada NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheere, halkaasi oo ay ku baaraan Gaadiidka soo gala magaalada Muqdisho.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in Qaraxa uu geestay Khasaarooyin isagu jiro dhimasha iyo dhaawac, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in hal ruux oo ah ninkii waday Gaariga qaraxa uu ku dhintay.

Ciidamada ayaa goobta xiray qaraxa kadib, waxaana hakad galay isku socodkii baabuurta wadada oo ah mid isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa dhaawacyada usoo qaaday Isbitaallada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu kusoo jeeday caasimadda, balse markii uu kasoo gudbi waayay Barta Koonatrool uu isku qarxay goobtii uu taagnaa, inta aysan Ciidamada NISA gacanta ku dhigin.

Qaraxan ayaa dhacay xilli gudaha Muqdisho Ciidamada la geliyay feejignaan sare, kadib markii Sirdoonka dowladda ay heleen xog la xiriirta in Al-Shabaab ay qorsheynayso inay weerarto Hoteello ku yaalla jidka Makka Al Mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha. Halkan ka akhri.

Fahfaahinta khasaaraha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM