Dil ka dhacay Muqdisho iyo weeraro laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubaysan ayaa fal dil ah ka fulisay saaka oo Khamiis ah magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, xili ay jirto digniino ku aadan weeraro argagaxiso oo ka dhaca magaalada.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dilka nin lagu magacaabi jiray Cumar Geelle lagu dilay Goob Makhaayad ah oo ku yaalla Xaafadda Ex-Koontarool Balcad, ee degmada Heliwaa.

Marxuumka la qaarijyay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ahaa mas'uul ka tirsan xiririka Kubadda cagta ee degmada Heliwaa, waxaana dilkiisa ka dambeeyay labo nin oo bastoolado ku hubaysan oo ugu tagey Makhaayad uu fadhiyay oo shaak ka cabayay saaka.

Gacan ku dhiigliyaasha ayaa goobta isaga baxsaday kahor inta aysan Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya soo gaarin, sida Goobjoogaha uu sheegay. Maamulka degmada wali kama uusan hadlin dilka loo geestay Cumar Geelle.

Dhanka kale, waxaa feejignaan sare la geliyay Ciidamada ku sugan baraha Koontaroolada gudaha iyo dibadda Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in Al Shabaab ay qorsheynayso inay weeraro argagaxiso ka fuliso magaalada.

Ciidamada ayaa kala xiray Jidadka muhiimka ah oo aan la isagu gudbi karin baabuurta, iyadoo isha ay ku hayaan Ciidamada degmooyinka waqooyi ee magaalada, oo la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan xubanaha Al Shabaab.

Xog sirdoonka uu helay ayaa ka digaysa weeraro Al Shabaab la damacsan yihiin Hoteello ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, oo amnigiisa si aad ah loo adkeeyay hadda.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Howlgallo Ka Fuliya Miiraale, 50 Xubnood oo ISIS ah oo la Diley

Sidoo kale, xulafada Mareykanka ee ku sugan gobolka ayaa taageero hawlgalka Puntland, iyagoo fuliya duqeymo cirka ah.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 04:25PM

Fowdo iyo buuq hareeyay fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mooshin laga keenay Aadan Madoobe

Fadhiga maanta oo la filayay in si rasmi ah uu u furmo ayaa hakad galay kadib markii xildhibaanada qaar, gaar ahaan kuwa mucaaradka ah.

  • Soomaliya

    19-04-2025

  • 12:16PM