Qarax iyo dilal ka dhacay Muqdisho [Wararkii ugu dambeeyay]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay qarax culus lagula eegtay inta u dhaxeysa Haantadheer iyo Isgoyska EX-control Afgooye, galbeedka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya, oo goobta gaarey ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, waxaana uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo dhamaantood shacab wadada marayay ahaa ayaa ku geeriyootay qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo Askari oo saarnaa gaariga miinada lala rabey.

Dhinaca kale, dabley hubaysa ayaa isla xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay labo qof, oo mid kamid ah la sheegay inuu ahaa Askari katirsan Ciidamada dowladda, halka mid kale shacab ahaa.

Qaraxa iyo dilalkuba waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacida taasi oo mudooyinkii dambe kordhisay falalka lidigiga ku ah amniga Caasimadda xilli lagu guda jiro bisha Ramadan-ka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay Ciidamo gaar ah u xil-saartay amaanka magaalada, kuwaasi oo la geeyay dhamaan wadooyinka, balse taasi kama joojin Al-Shabaab inay fuliso weeraradeeda iyo dilalka beegsiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM