Qarax ka dhacay bartamaha Hiiraan oo khasaaro geystay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Weerarada ay Al-Shabaab ka fulinayaan gobolkan ayaa kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Taliyihii CID-da saldhiga booliska magaalada Beledwayne ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dad ku nafwaayay qarax loo adeegsaday gaari oo saaka ka dhacay degaanka Halgan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in weerarka uu ahaa ismiidaamin ay la socdeen dabley ayna ciidamadda isla caabiyeen. Hase ahaatee, illaa haatan si rasmi ah looma xaqijin karo warbixinadan.

Marxuum Jamaal Axmed Jaamac ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa ololaha looga soo horjeedo Al-Shabaab ee bilooyinkii lasoo dhaafay ka socdey qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Weerarada ay Al-Shabaab ka fulinayaan gobolka Hiiraan ayaa kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay waxaana loo arkaa mid ay uga aargudaneyso kacdoonka ay shacabka gobolkan ku jebiyeen kooxda hubeysan.

Dhanka kale, dabley la aaminsan yahay in ay ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa xalay waxay hoobiyeyaal ku weerareen degmada Maxaas. Lama ogga khasaaraha ka dhashay.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa warisay in qaraxa Halgan ay ku beegsadeen fariisin ay leeyihiin xoogaga Macawiisleyda ayna dileen askar iyo saraakiil. Balse ma soo bandhigin caddeymo xooggan.

Saddex qarax oo ka kala dhacay degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi ayaa Jan 14, 2022 sababay dhimashadda ugu yaraan 15 qof iyo dhaawaca 50 kale kuwaasoo xaaladooda lagula tacaalayo gudaha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM