Qarax ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Jowhar, oo ah Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uusan la socon baabuurka xilliga qaraxa, iyadoo khasaarena ilaa hadda la sheegin inta uu la egyahay.

Jowhar oo ah xarunta maamulka HirShabeelle ayaa waxaa kusoo badanaya qaraxyada iyo dilalka, iyadoo amniga uu faraha kasii baxayo, waxaana khatar ku jira badqabka mas'uuliyiinta maamulka iyo Xildhibaanada.

Al-Sahbaab ayaa kordhisay weerarada goobaha doorashadda ka dhacayso, waxaana Jowhar noqotay magaaladda ugu dhacdooyinka badan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM