Muqdisho: 12 ku dhimatey qarax ka dhacey makhaayad

Image

MUQDISHI, April 21,2015 ( GO)- Qarax lala beegsadey makhaayad ku taal agagaarka Hotel Central oo ku dhow halkii loo aqoon jirey taallada Xaawo Taako ayaa waxaa ku dhintey 12 qof tiro kalena waa ku dhaawacantey.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa maqaayadda lasoo ag-dhigey kaasoo markii uu qarxay sababey dhaawac iyo dhimasho badan.

Makhaayadaan oo ku dhow xarunta Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inta badan cuntada ka cuni jireen shaqaalaha rayidka dowlada iyo kuwa madaxtooyada.

Sarkaal u hadley ciidamada ayaa saxaafada u sheegey in marka qaraxaan dhacayey aysan halkaas ku sugneyn shaqaale badan oo ka tirsan dowlada.

Ciidamada amniga ayaa ku sugan goobta qaraxu ka dhacey iyada oo lagu arkayo gadiidka caafimaadka kuwasoo daad gureynaya dadka ku waxyeeloobey qaraxa.

Qaraxaan ayaa yimid maalin kadib markii magaalo madaxda Puntland ee Garowe gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay'ada UNICEF qof is-miidaamiyey isku qarxiyey halkaasoo ku dhinteen lix qof oo afar kamid ah ajnabi aheyd. Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

Garowe online kala soco faahfaahinta warkaan...

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM