Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Baraawe

Image
Ma jirto koox illaa haatan sheegatay falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey Al-Shabaab.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa Isniinta maanta ah waxa uu ka dhacay bartamaha magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa uu ahaa miino nooca meelaha fog laga hago ah isla markaana lagu aasay mid kamid ah boosteejo baabuurta.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo uu ku jiro askari ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa ku naf-waayay halka ay ku dhaawacmeen todoba kale, sidda ay sheegeen illo wareedyo caafimaad.

"Saddex kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu ay culus tahay," ayuu yiri sarkaal uga gaabsadey in lasoo xigto magaciisa sababo ku aadan in aan loo ogolayn in uu la hadlo warbaahinta.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Dhanka kale, hal qof oo ah haweenay ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacmeen kadib markii dabley loo maleynayo Al-Shabaab ay weerareen bar kontarool gudaha Muqdisho.

Kontaroolkaas ayaa ku yaala degmada Hiliwaa. Weerarkan wuxuu dhacay habeenimadii xalay. Waa falkii labaad oo noociisa ah oo maleyshiyadda ay ka fuliso gudaha magaala madaxda laba habeen dexdooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM