Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Dadka ay waxyeeladda kasoo gaartey ayaa lagu sheegay in ay yihiin rayid jidka marayay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax miino uu caawa ka dhacay wadada Xaaji Baasto ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen illo dhanka amniga ah.

Labada qof ee waxyeeladdu soo gaartey ayaa ah dad shacab ah. "Wadada ayay marayeen waxaana isla markiiba loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo," ayuu yiri sarkaal boolis oo u waramay Garowe Online.

Sarkaalkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn la hadalka saxaafadda ayaa xaqiijiyey in gaariga qaraxa lala eegtey uu lahaa qof kamid ah howlwadeenadda Wasaaradda Amniga xukuumadda federaalka ah.

"Ilaahey mahadiisa dhagartii ay argagixisadu maleegtey uma aysan dhicin sidii ay rabeen. Qaraxa wuxuu ahaa miino la dhigay wadada gaarigana meesha ayuu maraayay," ayuu raaciyey sarkaalkan.

Illaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa cadaadis xooggan ku wajahaysa furimaha dagaalka gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay kula dirirayaan dadka degaanka iyo ciidamadda xoogga Soomaaliya oo ka qabsadey dhul ballaaran.

Dagaal saaka ka dhacay degaanka Yasooman ee duleedka degmada Buulo-burde ayaa lasoo wariyey in dhinacyadda ay soo kala gaareen khasaaro. Balse, Al-Shabaab way ku fashilantey in ay dib u qabsato tuuladan laga xoreeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM