Qarax lagu weeraray huteel ku yaala caasimadda HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay weerar fiidnimadii Khamiista lagu qaadey huteel ku yaala caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa Garowe Online u sheegay in weerarka loo adeegsaday bam-gacmeed. Safa Hotel waxaa ku caweeya mas'uuliyiinta maamul uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Waare.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada Jowhar, Ismaaciil Warsame Faarax, ayaa lagu tilmaamay qofka dhaawacmay ee xaaladiisa caafimaad haatan lagula tacaalayo Isbitaalka guud.

Laamaha ammaanka gaar ahaan booliska oo falka kadib sameeyay howlgalo ayaa nan caddeyn hadii ay cid u soo qab-qabteen dhacdadaas.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa inta badan dusha saarta falalka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala bartamaha Jowhar ay dishay hal qof kuna dhaawacmeen ku dhowaad tobban ay mas'uuliyiin ku jiraan.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee kusoo badanaya caasimadda HirShabelle ayaa kusoo aadaya xili ay soo dhow-dahay doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo bilooyin ay ka harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM