Garowe: qarax lala beegsadey gaari Qaramada Midoobey leedahay

Image

GAROWE, April 20, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa goor dhow ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday gaari bus ah oo ay la socdeen qaar kamid ah  shaqaalaha xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe.

Wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa sheegaya in qaraxu ka dhashay miino xilli hore gaariga lagu sii rakibey.

Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa ay ku dhinteen siddeed qof oo isugu jirey shan ajnabi ah iyo Afar Soomaali ah.

Mas'uuliyadda weerarkan ilaa iyo hadda cidna ma sheegan, balse magaalada Bosaso ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa weerarro ka gaysanayey ururka Al-shabaab.

Qaraxan ayaa ah kii ugu horreeyey noociisa ee abid magaalada Garowe ka dhaca. Garowe Online kala soco faah faahin dheeri ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM