Qarax lala beegsadey xero ciidamo oo ka dhacay Muqdisho

Image
Weerarkan ayaa la tuhunsan yahay in uu fuliyey naftii-halige isku soo rakibay walxo qarxa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax la tuhunsan yahay in uu fuliyey naftii-halige isku soo rakibay walxo qarxa ayaa laga soo wariyey albaabka Xerada Jeneraal Dhagabadan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa goobta uu ka dhacay waxaa ku dhow saldhiga Turkiga ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Illaa haatan, lama ogga khasaaraha iyo bartilmaameedka. Al-Shabaab ayaa looga bartey falalka noodaan ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay wallow ay soo baxayaan warbixino kala duwan oo tilmaamaya waxyeelo aad u badan.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in naftii-haligaha uu bartilmaameedsadey dhalinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamadda xoogga dalka ayna halkaas ku geeriyoodeen 11 qof oo u badan da'yartaas.

"Dhalinyaradda waxaa ku jiray qaar dhowaan dhameeyay waxbarashadda dugsiga sarre isla markaana galay imtixaanka dowladda federaalka," ayuu yiri sarkaal codsadey in aan la adeegsan magaciisa.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la qarxiyo dhalinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan cutubyadda lagu tababaro xerooyinka ay maamusho dowladda Turkiga ee Muqdisho.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2022, ugu yaraan afar askari ayaa ku geeriyootey ka gadaal markii naftii-halige uu isku-qarxiyey ciidamo feel ugu jiray in ay kamid noqdaan kumaandooska uu Turkiga u tababaro Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM