Qaraxyo lagu weeraray kolonyo uu la socday Shariif Xasan

Image

11 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray kolonyo baabuur wateen ciidamo ka tirsan AMISOM oo la socday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kuwaasi oo marayay inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo deegaanka Carbiska.

Weeraran ayaa ahaa labo qarax oo kala duwan waxaana midkood ka dhacay halka lagu magacaabo Bood-boodka oo ka tirsan deegaanka Carbis, waxaana qaraxaasi loo malaynayaa in horey dhulka loogu aasay, waxaana goobta uu ka dhacay ku socdaalayay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, balse wax khasaaro ah kama soo gaarin.

Dad shacab ah ayaa weerarkaasi ku waxyeeloobay, kuwaasi oo la socday gaari bas ah goobta marayay, waxaana wararku sheegayaan inay ku dhinteen ilaa toboneeyo ruux halka tiro intaasi ka badan ku dhawacmeen.

Qarax labaad ayaa sidoo kale ka dhacay deegaanka Calaamadaha oo ka tirsan degmada Afgooye, waxaana la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay.

Weeraradan ayaa dhacay xilli madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ka soo laabtay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose oo kaga dhawaaqay inuu badalay Gudoomiyihii gobolkaasi Cabdulqaadir Maxamud Nuur Siidii, wuxuuna ku badalay Ibrahim Aadan Cali.

Ilaa hadda ma jirto cid rasmi ah oo weerarkaasi sheegatay balse, ururka Al-Shabaab ayaa dagaal xoogan kula jira xukuumadda Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM