Qatar iyo Jordan oo ka hadlay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya

Image
Amniga ayaa ka mid ah caqabada ugu waaweyn ee horyaalla doorashooyinka Soomaaliya.

DOOXA, Qadar – Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo dhaawac in ka badan 30 ruux.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qater ayaa sheegtay in ay ku celinayso mowqifka adag ee ku aaddan “diidmada rabshadaha iyo weerada argagixisanimada, iyadoo aan loo eegin ujeeddada iyo sababaha” sida ku cad bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada Qater.

Dhanka kale Dowladda Jordan ayaa cambaareeyay qarax argagixiso oo ka dhacay magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Soomaaliya, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Jordan ay garab taagan tahay Soomaaliya, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

Saraakiisha caafimaadka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in 13 qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ah oo sabtidii ka dhacay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxa Beledweyne ka dhacay ayaa ku soo beegmay iyadoo magaaladu uu galabtii ka degayay Fahad Yaasiin, talihii hore ee hay’adda NISA, oo halkaasi u doontay kursi ka mid ah 25-ka kursi ee magaalada yaalla.

Magaalada Beledweyne waxaa ka jirta cabsi, waxaana magaalada ka buuxa ciidamo badan oo Villa Somalia ay halkaasi u gaysay in ay ku boobto doorashada 25 kursi ee yaalla xarunta gobolka Hiiraan.

Amniga ayaa ka mid ah caqabada ugu waaweyn ee horyaalla doorashooyinka dalka oo waqtidooda dib uga dhacay in ka badan hal sano ka dib markii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu isku dayay in uu ku darsado labo sano oo mudo dheeraysi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM