Qatar oo cambaareysay weerarkii afhayeenka xukuumada

Image

DOHA - Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxisada ee maanta la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah.

Qoraalka ayaa intaasi ku daray in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.

Al-Shabaab – oo ah koox hubaysan oo xiriir la leh al-Qaacida ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Afhayeenka xukumadda.

Waxaa si weyn loo saadaalinayay in rabshaduhu ay sii kordhaan, iyadoo ay sare u kacday xiisadaha ka taagan Soomaaliya ee ku aaddan doorashada Qaran ee dib u dhacday muddo sannad ku dhow.

"Weerarada noocaan oo kale ah waa falal siyaasadeysan oo kaliya," ayuu yiri Mohamed Abdulaziz Omar, oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah.

"Qarax ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday afhayeenka dowladda oo hadda lagu daweynayo isbitaal dhaawacii ka soo gaaray qaraxa," ayuu afhayeenka booliiska Cabdifitaax Aadan u sheegay warbaahinta Maxaliga ah.

Moalimuu waa lataliyaha sare ee dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay loolanka awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka taas oo kor u qaadaysa rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM