Qaxooti isku hor gubay UNHCR Hargaysa

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Nin qaxooti u dhashay Yemen ayaa shalay isku hor gubay xarunta hay'adda Qarmada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Arrintan ayaa timi nolol xumo haysata qaxootiga ku sugan Somaliland kuwaasi oo dhawr jeer oo hore laga dayriyay xaladooda nololeeda, waxaana ninka is gubay la sheegay in dhawr jeer oo hore ku soo laabtay xarunta UNHCR ee magalada Hargaysa isagoo gargaar dalbanaya.

Maamulka Somaliland iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaaxootiga weli kama aysan hadlin falkaasi, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray ka dib loo qaaday xarun caafimaad.

Somaliland, waxaa ku sugan qaxooti ka yimi colaadda ka socota Yemen, waxaana falka isgubista lagu tilmaamay inuusan ahayn markii ugu horaysay ee qof gaxooti ah isku dayo, hadda ka hor ayaa la sheegay in qof falkaasi ku kici lahaa laga bad baadiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM