Qaybdiid oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Saaxo

Image

December 25, 2014 (GO)- Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ku baaqay in si deg deg ha loo joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Qaybdiid oo xilligan ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad walaalo ah oo isku deegaan ahi dagaalamaan isagoo ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac inay xaaladda sida ugu dhaqsaha badan usoo fara geliyaan xalna laga gaaro khilaafka jira.

"waxan ugu baaqayaa walaalaha dagaalamaya inay colaada joojiyaan dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, walaalaha iyo waxgaradka deegaanka ee dagaalku ka dhex dhacay waxaan ka  codsanayaa dagaalka in la joojiyo, wixii dhacay in wada hadal lagu xaliyo ayaan dooneynaa mar rabno dagaal" Qaybdiid oo la hadlay mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee  Muqdisho ayaa sidaas yiri.

Dagaal gelinkii hore ee shalay ka dhacay degmada Saaxo, kadib markii mileeshiyaad Galmudug kasoo jeedaa soo weerareen goob ceel laga qodayey ayaa waxaa ku geeriyoodey in ka badan toban qof oo rayid u badnaa.

Xaaladda degmada Saaxo iyo deegaanada miyiga ah ee ku xeeran ayaa saaka ah mid deggen inkastoo weli saan saan colaadee halkaas laga dareemayo.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintan oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareysa dowlada Puntland. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM