Qaybdiid oo xadgudub ku tilmaamay shirka Muqdisho ka socda

Image

February 5, 2015 [GO]- Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa kasoo horjeestey shirka madaxda dowlada dhexe iyo dowladaha federaalka ugu soconaya magaalada Muqdisho.

Qaybdiid oo waraysi gaar ah siiyey VOA-da ayaa sheegay in shirka Muqdisho ka socdaa yahay mid sharci darro ah maadaama aan laga qayb gelin maamulada gobolada dhexe ee Galmudug kamid tahay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in tixgelintii uu mudnaa la siinin maamulka Galmudug oo kamid ahaa saxiixayaashii heshiiskii Road Map-ka ee lagu soo dhisey dowlada federaalka ee hadda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

"Galmudug waxay ka mid aheyd dhinacyadii aas aasay dowladda federaalka ee saxiixay Road Map-kii kumeel gaarnimada looga baxay, dastuurkana aan wax ka sameynay, waxaa u arkeynaa maanta waxa ka socda Xamar ee aayaha siyaasadeed ee dalka looga hadlayo arrin gef ah" Qaybdiid ayaa yiri.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale Dowlada Federaalka ku eedeeyey inay caqabad ku tahay qabsoomida shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, maadaama sida uu sheegay ay ka caga jiideyso inay ergo usoo dirto shirka.

Shirka Muqdisho ka socda oo maalintii labaad galay waxaa lagu casumey madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saacado kadib ayaa lagu wadaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qodobada looga hadlay iyo weliba go'aamada kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM