Qaybtii labaad ee qamadiga Ukraine oo la keenay Soomaaliya

Image
Talaabadaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay Qaramada Midoobey taageereyso oo looga hortagayo cunta yarida aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab lagu magacaabo Neva ayaa Soomaaliya keenay 25,000 oo tan oo qamadi ah, taasoo qayb ka ah barnaamijka dhoofinta haruurka laga keeno Ukraine, sidda ay wararku sheegayaan.

Warsidaha Ukrinform ayaa warbixintan daabacay isaga oo soo xiganaya Wasaaradda dhulalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine gaar ahaan qoraal ay soo dhigtay ciwaankeeda Facebook-ga.

"Waxaan hubnaa in qaybtan haruurka Ukraine ay noqon doonto tallaabo cusub oo loogu talagalay iskaashiga muddada dheer iyo la dagaalanka sababaha cunto yaraanta," ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ukraine ee dib u dhiska , Wasiirka Bulshooyinka, Dhulalka iyo Horumarinta Kaabayaasha Oleksandr Kubrakov.

Mr Kubrakov oo lagu soo xigtey isla warbixinta majaladda ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Tani waa qaybteena dib u soo celinta mustaqbal ammaanka iyo xasiloonida cuntadda".

Sida laga soo xigtey Kubrako, markabka xamuulka qaada ee Neva ayaa ka tagay dekedda Odesa December 9 kharashaadka saadkana waxaa bixiyay dawladaha Finland, Faransiiska iyo Japan.

Qeybtii labaad ee sarreenka Yukreeniyaan ayaa horey usoo gaartey Soomaaliya bartamihii sanadkan. Talaabadaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay Qaramada Midoobey taageereyso oo looga hortagayo cunta yarida aduunka.

Qulqulka aduunka ee haruurka laga keeno Ukraine ayaa joogsadey ka gadaal markii Ruushka uu weeraray dalkaas. Duulaankaas wuxuu si ba'an u hakiyey ganacsiga qamadiga taasoo sababtey sicir-barar dowladaha qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM