Qaybtii labaad ee qamadiga Ukraine oo la keenay Soomaaliya

Image
Talaabadaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay Qaramada Midoobey taageereyso oo looga hortagayo cunta yarida aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab lagu magacaabo Neva ayaa Soomaaliya keenay 25,000 oo tan oo qamadi ah, taasoo qayb ka ah barnaamijka dhoofinta haruurka laga keeno Ukraine, sidda ay wararku sheegayaan.

Warsidaha Ukrinform ayaa warbixintan daabacay isaga oo soo xiganaya Wasaaradda dhulalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine gaar ahaan qoraal ay soo dhigtay ciwaankeeda Facebook-ga.

"Waxaan hubnaa in qaybtan haruurka Ukraine ay noqon doonto tallaabo cusub oo loogu talagalay iskaashiga muddada dheer iyo la dagaalanka sababaha cunto yaraanta," ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Ukraine ee dib u dhiska , Wasiirka Bulshooyinka, Dhulalka iyo Horumarinta Kaabayaasha Oleksandr Kubrakov.

Mr Kubrakov oo lagu soo xigtey isla warbixinta majaladda ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Tani waa qaybteena dib u soo celinta mustaqbal ammaanka iyo xasiloonida cuntadda".

Sida laga soo xigtey Kubrako, markabka xamuulka qaada ee Neva ayaa ka tagay dekedda Odesa December 9 kharashaadka saadkana waxaa bixiyay dawladaha Finland, Faransiiska iyo Japan.

Qeybtii labaad ee sarreenka Yukreeniyaan ayaa horey usoo gaartey Soomaaliya bartamihii sanadkan. Talaabadaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay Qaramada Midoobey taageereyso oo looga hortagayo cunta yarida aduunka.

Qulqulka aduunka ee haruurka laga keeno Ukraine ayaa joogsadey ka gadaal markii Ruushka uu weeraray dalkaas. Duulaankaas wuxuu si ba'an u hakiyey ganacsiga qamadiga taasoo sababtey sicir-barar dowladaha qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM