Qaylo-dhaan kasoo yeertay guddi uu magacaabay Rooble

Image
Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo wali dhaliil badan ka jirto qaabka loo maareeyay codaynta golaha shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu horey u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay doorashada socota ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo digniin culus kasoo saaray boobka lagu hayo kuraasta Baarlamaanka.

Marwo Caasho Siyaad oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa sheegtay in ay ka digayaan in la boobo kuraasta loo qorsheeyey haweenka ee Baarlamaanka, kadib wareysi ay siisay Universal TV.

Caasho Siyaad ayaa sidoo kale soo jeedisay in Qabaa’ilka aan laga qabanin liis aysan ku jirin gabdho, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee 30%.

“Cabasho way jirtaa waana ka sii digeynaa, waana ka sii dardaarmeynaa gabdhaha kuraastooda in la ilaaliyo Qabaa’ilka gabdhaha laga rabo inaanan laga qabanin liis aysan gabdho ku jirin” ayey tiri Caasho Siyaad oo ka mida Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay inay dacwad culsu ka gudbin doonaan kuraasta gabdhaha ee la boobayo, haddii aan wax laga qaban , inta ay socoto doorashada.

"Annaga dacwo ayaan ka gudbineynaa, haddii ay dhacdo in kuraas gabdho loo qoondeeyey ay rag ku soo fariistaan," ayey sii raacisay.

Marwo Caasho Siyaad ayaa farriin u dirtay madax Dowlad-goboleedyada, waxayna ugu baaqday I nay ka shaqeeyaan hunfnaanta doorashada iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo wali dhaliil badan ka jirto qaabka loo maareeyay codaynta golaha shacabka ka dib markii maamuladda qaar lagu diiwaangaliyay boob lagu sameeyay kuraasta qaarkood taas oo keenaysa kalsooni darada doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM