Qaylo-dhaan kasoo yeertay Soomaali ku xayiran Kyiv

Image
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladu ka sii dareyso

LONDON, Britain – Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogay dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaan colaadu ka qaraxday iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku soo gaarto magaalooyinka ay hada ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibadii ay ka baxsadeen dalka oo ay u talaabeen dalka dariska ah ee Poland, hase ahaatee ay isaga wali taasi u suurtogali la’ dahay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladu ka sii dareyso, isla markaana uu dagaalku aad u xoogeystay.

Cabdiqaani Mayow Maxamed waxuu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee hadda ku sugan caasimadda Ukraine ee Kyiv, wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxa uu ku sheegay in hadda ay xaaladu ku adag tahay.

Mayow oo tahriib ku galay dalka Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan laba jeer uu ku guul-dareystay inuu ka baxo dalkaas, sidoo kalena in ka badan laba sano uu ku xiraa xabsiyada dalka Ukraine, kadib markii laga soo qabtay xuduuda.

Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay in ayagoo Soomaali badan ah ay hadda ku xayiran yihiin caasimadda Kyiv oo bandow lagu soo rogay, isla markaana ay qorsheynayaan in wixii berri ka dambeeya ay isaga baxaan dalkaas, markii bandowga laga qaado caasimadda oo dagaalka ugu xoogan uu ka socdo hadda.

Sida ay maanta sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss, dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sii xoogeysanaya, waxayna saadaalisay in dagaalkaan uu sii soca karo.

Cabdiqaani Mayow waxa uu sheegay inay waayeen wiil Soomaaliyeed oo xanuunsanaa, kaas oo ka mid ahaa dadkii laga sii daayey xabsiyada Ukraine, si naftooda ay u badbaadsadaan.

“Amnigeena halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xiray, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xirin goobaha ganacsiga” ayuu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM