Soo celinta ciidamadda lagu tababaray Eritrea oo bilaabatay

Image
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in cutubyadan ay ku biiri doonan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Muqdisho ay soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidamadda lagu tababaray Eritrea.

Cutubyadan ayuu ka dhawaajiyey in ay ku biiri doonan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka soconaya gobolada dalka gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan xaqiijiyey in bilaha December iyo Janaayo ay soo noqon doonan askartan.

Isaga oo la hadlaya qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, Xasan ayaa intaas kusii daray in bisha Janaayo sanadka 2023 ay dhameystirmi doonto soo celinta ciidamaddan.

"Waa diyaar arrintaas. Marka dib-u-dhac dambe ma rajeynayno. Wax kasta waa noo waxaysan yihiin," ayuu sii raaciyey Xasan oo aan tafaasiil ka bixin caqabadihii hore u jiray ee la xaliyey.

Sidda lagu sheegay warbixino kala duwan, ciidamadda lagu tababaray Eritrea oo ka kooban milatar, kumaandoos, badda iyo juquraafiga ayaa tiradoodu waxay ka badan tahay shan kun.

Bishii September ee sanadkan 2022, madaxwayne Xasan Sheekh oo booqasho ku joogay Washington DC ayaa ka codsadey Mareykanka in uu maalgeliyo dadaaladda dib loogu soo celinayo ciidamaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM