Qodob cusub oo lagu daray cunaqabataynta Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa lagu saleeyay warbixino hay’adaha, dowladda iyo guddiyada Soomaaliya qaabilsan ay gudbiyeen.

NEW YORK, USA - Guddiga la socodka cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa dib u eegis ku sameeyay qodobada keeni kara in cunaqabatayn la saaro qof Soomaali ah ama koox ama shirkad, waxaana lagu kordhiyay qodob cusub.

Qodobkan ayaa dhigaya in wixii hadda ka dambeeya cunaqabatayn la saari doono qof, koox ama shirkad kasta oo abaabusha, qorsheysa ama fulisa in la go’doomiyo magaalo Soomaaliya ku taala.

Talaabadan ayaa lagu saleeyay warbixino hay’adaha, dowladda iyo guddiyada Soomaaliya qaabilsan ay gudbiyeen, kuwaas oo la xiriira dhibaatada ka dhalatay go’doominta magaalooyinka.

Muddo ku dhow 10 sano, waxaa gebi ahaanba go’doonsan magaalooyin waaweyn oo koonfurta ku yaala, kuwaas oo maleyshiyadda Al-Shabaab laga saaray, balse ay adag tahay in jidka wax loo mariyo.

Xilligan oo ay abaaraha jiraane waxaaba aad u adag in la gaarsiiyo gargaarkii cunada, iyada oo ay xaaladda uga sii darayso in badeecadii iibka ahayd xitaa aysan wada gaarin taas oo keeneysa in qiimaha uu sare u koco, dadka tabarta darana ay iibsan waayaan raashiinka.

Magaalooyinka Xudur iyo Diinsoor, waxa ay Alshabaab gubaan gaadiidka dameeraha ee raashiinka u wada magalaada, iyada oo sida kaliya ee dadkaasi lagu gaari karo ay tahay dhanka hawadda.

Lama oga waxa qodobkani uu ka tari doono dadka arrintan horseedka u ah, iyada oo qodobadii kale ee ka horeeyay kani aysan saamayn badan yeelanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM